Saxiixa Arsenal ee xagaagan, Raheem Sterling, ayaa la kulmay dhaleeceyn adag, iyadoo khabiirka ESPN ee Steve Nicol uu ku tilmaamay mid aan waxba ku soo kordhin kooxda ilaa hadda. Hadalkan adag ayaa abuuray doodo kala duwan oo ka dhex qarxay taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha, qaarkoodna waxay difaacayaan awoodiisa halka kuwa kalena ay shaki geliyeen saameynta uu ku yeeshay kooxda tan iyo markii uu yimid.
Sterling, oo si amaah ah uga soo dhaqaaqay Chelsea waqtigii uu xirmi rabay suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda ayaa si tartiib ah ku billaabay nolosha garoonka Emirates. Wuxuu ilaa hadda ciyaaray siddeed kulan, afar ka mid ah oo uu ku soo bilowday, isagoo dhaliyay hal gool oo kaliya dhamaan kulamada uu garoonka kasoo muuqday kaas oo sameyey isku day walba uu gool ku dhalin karo 29 jirka ree england.
Inkasta oo laga filayey khibrad iyo xirfad sare, haddana Nicol wuxuu rumeysan yahay in Sterling uusan ku guuleysan inuu ka dhabeeyo rajooyinkii la saaray. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in ciyaaryahanka 29-jirka ah uusan ku soo kordhin tartan dhab ah ama dhiirrigelin uu siiyo ciyaartoyda sida Martinelli iyo Saka.
Hase yeeshee, tababaraha Arsenal Mikel Arteta iyo saaxiibkiis Oleksandr Zinchenko ayaa difaacay Sterling, iyagoo ku ammaanay xirfadiisa iyo awoodiisa uu ku beddeli karo natiijooyinka kulamada muhiimka ah. Arteta wuxuu ku tilmaamay “cajiib,” halka Zinchenko uu ku sheegay “mid aan la joojin karin marka uu qaab fiican ku jiro.”
Iyadoo uu xilli-ciyaareedka wali socdo, taageerayaasha Arsenal ayaa weli rajo ka qaba in Sterling uu la qabsado kooxda oo uu door weyn ku yeesho guulaha soo socda. Kulanka ay Nottingham Forest la ciyaarayaan ayaa noqon kara fursad muhiim ah oo uu ku muujiyo qiimaha uu kooxda u leeyahay.
Raheem Sterling oo amaah ugu ciyaaraya Arsenal ayaan ilaa haatan qaab fiican ku bilaaban, iyadoo xiddiga xulka Ingiriiska uu ku dhibtoonayo inuu saameyn muuqata ku yeesho kooxda tan iyo markii uu xagaagii uga soo wareegay Chelsea. Xiddigii hore ee loogu yaqaanay mid ka mid ah weeraryahannada ugu halista badan Premier League-ga ayaa si adag ula qabsaday nolosha Emirates, halkaasoo tartanka boosaska uu aad u adag yahay.
Qaab ciyaareedkiisa hoos u dhacay ayaa sidoo kale keentay in laga reebo xulka qaranka Ingiriiska, taasoo si weyn uga duwan waayihii uu joogtada uga ahaa kooxda Gareth Southgate. Ku biiritaankiisa Arsenal ayaa markii hore loo arkayay fursad uu ku soo noolayn karo xirfaddiisa isla markaana ku qancin karo kuwa dhaliilsan, balse xaqiiqadu waxay ka duwan tahay rajooyinkii la qabay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa si fiican u ciyaaraysa xilli ciyaareedkan, laakiin Sterling ma ahan mid si weyn uga dhex muuqda. Arsenal ayaa xitaa ku tiirsaneyd ciyaaryahanno da’yar sida Ethan Nwaneri waqtiyada muhiimka ah, taasoo muujinaysa sida doorkii Sterling ugu yaraanayo kooxda. Inkastoo uu leeyahay hibadiisii hore iyo guulihii uu gaaray, haddana waxay u muuqataa in xiddigan 29 jirka ah uu ku dhibtoonayo inuu ku habboonaado nidaamka Arsenal ee ku dhisan xawaare sare iyo xeelado adag.
Wararka laga helayo Football Insider waxay sheegayaan in qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ay ka niyad jabsan yihiin qaab ciyaareedka Sterling, iyadoo qaarna ay dalbanayaan in amaahiisa la soo gaba-gabeeyo bisha Janaayo. Warbixinta ayaa tilmaamaysa in taageerayaal badan ay aaminsan yihiin in waayihiisii ugu wanaagsanaa ay soo dhaafay, isla markaana joogitaankiisu uu caqabad ku noqon karo horumarka ciyaartoyda da’yarta ah.
Arsenal waxay u badan tahay inay go’aankeeda ku saleyn doonto waxtarka uu kooxda ku soo kordhin karo. Haddii uusan wax saameyn ah ku yeelan karin dhowaan, waxaa dhici karta in kooxda ay doorato inay dib ugu celiso Chelsea oo ay raadsato xulashooyin kale inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo. Dhanka kale, Sterling waa inuu si adag uga shaqeeyaa inuu qanciyo Arteta iyo taageerayaasha, balse waqtiga ayaa ka dhamaanaya.
Mikel Arteta ayaa qirtay mas’uuliyadda qaab ciyaareedka liita ee Raheem Sterling ee Arsenal, isaga oo sheegay in uu u baahan yahay in uu fursado badan siiyo ciyaaryahanka amaahda ah. Sterling, oo Arsenal kaga soo biiray Chelsea maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga bisha Agoosto, ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo safka koowaad ee Arteta. Inta badan daqiiqadihiisa garoonka ayaa yimid tartanka Carabao Cup, halkaas oo uu ku qaatay ku dhawaad kala bar waqtigiisa ciyaarta.
Ciyaaryahanka 29-jirka ah ayaa inta badan loo adeegsaday beddel, isagoo hal kulan oo Premier League ah kaliya ku bilowday. Qaab ciyaareedkiisa aan muuqan ayaa keenay in weeraryahankii hore ee Nottingham Forest, Stan Collymore, uu ku tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda xilli-ciyaareedka ugu liita.
“Raheem Sterling wuxuu ahaa niyad-jab weyn,” ayuu Collymore u sheegay Metro. “Wuxuu sheegay inuu kooxda siin doono waxqabadkiisa ugu fiican, balse taas ma dhicin.
“Wuxuu si weyn uga hoos maray filashooyinka, waana mid ka mid ah kuwa ugu liita xilli-ciyaareedkan. Waa ciyaaryahan khibrad leh oo guulo badan soo gaaray, waxaana laga filayey inuu xoojin doono kooxda, balse taas ma dhicin.”
Si kastaba ha ahaatee, ka hor guushii weynayd ee Arsenal ka gaartay West Ham, Arteta ayaa difaacay Sterling, isagoo sheegay inuu si fiican ugu tababaranayo kooxda, ayna tahay masuuliyaddiisa inuu siiyo fursado badan.
“Runtii, waxaan jeclaan lahaa inaan fursado badan siiyo,” ayuu Arteta yiri sida laga soo xigtay Mirror. “Wuxuu sameynayaa dadaal badan.
“Tababarka iyo hab-dhaqankiisu waa mid heer sare ah, waana waqtigeyga inaan siiyo daqiiqado badan. Taasi waa qorshaha. Sababtaas darteed ayaan uga qayb geliyey kulankii Forest, sidoo kale waxaan rabay inaan ku soo daro kulankii Sporting, waayo wuxuu awood u leeyahay inuu saameyn weyn ku yeesho kooxda.”
Hase ahaatee, Sterling waxa uu kaliya ciyaaray 16 daqiiqo kulankii West Ham, mana uusan sameyn wax saameyn ah oo weyn.
Dhanka kale, Bukayo Saka ayaa markale shabaqa soo taabtay iyo laba caawin oo uu sameeyey, halka Leandro Trossard uu sidoo kale ka qayb qaatay guushii 5-2 ee Arsenal ay ka gaartay kooxda ka dhisan waqooyiga London.